Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in ay helaan telefoonno uga imaanaya dad ka tirsan Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago ay Zako ah.
Mid ka mid ah ganacsatada ku nool Muqdisho islamarkaana codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay in ganacsatada loogu yeeray degaannada Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose, kadibna lagu amray in ay lacagaha bixiyaan.
Waxa uu sheegay in ololahan ay Al-Shabaab bilwoday bil ka hor, haatanna ay jiraan lacago badan oo ay ka ururiyeen dadka leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar intaba.
intaas kadib VOA ayaa wareysatay Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo ay wax ka weydiiyeen waxa uu kala socdo Xaaladdan soo korortay.
Hoos Ka Dhageyso wareysiga Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir