Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa walaac ka muujiyay dhibaaatooyin ay sheegeen in ay ka jirto degmadaas kadib markii ay Go’doomiyeen Al-Shabaab
Ibraahim Madoobe Nuur Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Jalalaqsi oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in degmadaas dadka ku nool ay heestaan dhibaatooyin adag oo sababay Go’doomin ay geliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Waxa uu ka dalbaday Madaxda Qaranka in ay ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa Wadooyinka Soo gala degmada iyo kuwa ka baxa si Bulshada Jalalaqsi uga baxaan dhibaatooyinka heesta.
Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo siyaasada degamda Jalalaqsi ayaa ku soo aadaya xili weli degmadaas qeybo ka mid ay u Go’doonsan tahay Al-Shabaab oo dagaal kula jirta Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka