Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa soo kordhayay Ragga ka tirsan Al-Shabaab ee isu soo dhiibaya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Saraakiil iyo ilaaladooda ayaa dhawaan isa soo dhiibay waxaa ku jira laba sarkaal oo gobollada Koonfur Galbeed si weyn looga yaqaano sida ay Madaxda Maamulk Koonfur Galbeed sheegeen.
abaanduulaha Ciidanka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdullahi Isaaq Ibraahim ayaa sheegay in Maanta oo ugu dambeysay uu isku soo dhiibay mid ka mid ah Saraakiisha hoose ee Shabaab isla markaana kuwo kale ay wadada ku soo jiraan.
Waxa uu sheegay in Saraakiisha Shabaab ee ka soo baxaya ay isugu jiraan kuwo eheladooda la soo xiriiraya iyo kuwo Maamulka la soo xiriiraya maadaama qaarkood ay ku jiraan kuwo ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbed Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay Maamulka Koonfur Galbeed ay isu soo dhiibeen ilaa 20 isugu jira Saraakiil iyo Ciidamadooda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha