Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo.
Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah ALshabaab.
Intaasi kadib Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xasan ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Guuto ka mid ah ciidamada Ahlusunna balse xiligaan wixii ka dambeeyay ka mid noqday Ciidamada xooggad alka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo Bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir iyo Taliyaha Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod.