Waxa Maanta xuriyadiisa dib u helay Agaasimaha Tv-ga Universal Xafiiska Soomaaliland kaas oo mudo 11 Maalmood ah ku xirnaa Saldhigga booliska Magaalada Hargeysa.
Maxamed Caabi Digaale ayaa markii lasiidaayay kadib waxa uu Warbaahinta uga waramay siideyntiisa,isaga oo marka hore u mahadceliyay dadkii ka dambeeyay siideyntiisa oo isugu jira maamulka iyo Eheladiisa intaba.
Waxa uu sheegay in intii uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay,waxaana sababta xirigiisa ku sheegay in ay aheyd Warka baxay Tv-ga Universal 2,dii Bishaan oo aheyd Shacabka deegaanka Ceel-Afweyn oo cabanayay.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Madaxda Maamulka Soomaaliland in ay cadaalada ka Shaqeeyaan si cidwalba ay cadaalad u hesho.
17-kii Bishaan February ayaa Ciidamada Maamulka soomaaliland ay Xabsiga dhigeen Agaasimaha Tv-ga Universal xafiiska Soomaaliland kadib amar ka soo baxay taliska Booliska Hargeysa balse Maanta ugu dambeyn lasiidaayay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Caabi Digaale Agaasimaha Tv-ga Universal Xafiiska Soomaaliland.