Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid 4-ta Xaafadood ee  Magaalada jowhar ayaa isugu soo baxay Jiinka wabiga Shabeelle ee mara Jowhar oo bilihii u dambeysay ahaa mid faaruq ah.
Dadweynaha ayaa aad ugu faraxsanaa Biyaha Wabiga Shabeelle oo soo buuxsamay,waxana mudo laba bilood ah hakad galay tacabka beeraha.
Qaar ka mid ah dadkii ku soo xuumay Wabiga ayaa Wakiilka Radio Dalsan ee Magaalada Jowhar waxa ay u sheegeen in ay aad ugu farxeen,isla markaana ay haatan isku diyaarinayaan tacabka beerahooda.
Warbixinta Warkaan oo dhameystiran waxaa Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi.