Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah Gobolka Awdal ayaa waxa ay sheegayaan in roobab daadad wata ay ka da’een Magaalooyinka Boorama iyo Baki ee Gobolkaas kuwaas oo sababay khasaaro dhimasho ah.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal ahna ku simaha gudoomiyaha Cabdi Nuur Sugaal ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Roobabkaas Lixaadka leh ee  ka da’ay Magaalooyinka Boorama iyo Baki ee Gobolka Awdal, waxa uuna sheegay  in ay ku dhinteen 5 ruux halka 4 qofna ku dhaawacmeen.
Roobabakan ayaa watay daadad iyo danab xooggan kuwaas oo ah taariikhda inta la xasuusto markii ugu horeysay uu ka da’o qeybo ka mid ah Gobolka Awdal.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka