Degmada Cadale oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa Saacadihii la soo dhaafay ka jiray dagaalo u dhaxeeyay laba Beelood oo halkaasi wada dega waxaana la sheegay in dagaaladaas ay geesteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta uu socday dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeroyoodeen in ka badan 14 ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay Idaacadda Voa,da laanteeda afka Soomaaliga ah ayaa sheegay in iminka ay socdaan dadaalo ay wadaan dhankooda oo lagu xalinayo dadkaasi walaalaha ah ee dagaalamaya.
waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Beelaahaan ay isku heestaan dhul daaqsin ah oo ku yaala deegaanada Miyiga ah degmada Cadale balse dhankooda ay ku guuleesteen in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii dagaalamay kadib markii Ciidamo ay kala dhex dhigeen.
Waxgaradka ka soo kala jeeda Beelaha halkaasi ku dagaalamaya ayaa iyana dhankooda waxa ay wadaan sidii dagaal beeleedyadaas oo ah kuwo soo laab laabtay xal buuxa looga gaari alahaa loona joojin lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka