Galgaduud(Radio Dalsan):- Gudoomiyaha dagmada Dhuuso-Mareeb ee gobolka galgaduud C/laahi Maxamed oo la hadlayay radio Dalsan ayaa waxa uu kahadlay wararka sheegaya in laxiray isku kuyaala dagmadaasi iyo in ay jirto dibad baxloga soo horjeedo arinkasi oo ka dhacay Dagmada Dhuuso-Mareeb
gudoomiyaha ayaa shegay wararkaasi in ay yihiin kuwo been abuur ah islamar ahaantaana ay jirin iskuul la xiray
”Waa been abuur in laxiray iskuul iyo in ay dibad bax ka dhaceen gudaha dagmada laakiin waxaa jirto in aan mideenay iskuulada halmanhajna aan ka dhignay anaga ayaana waxa hada kadanbeeya maamuli doono” ayuu yiri gudoomiyaha dagmada Dhuuso-Mareeb C/aahi Maxamed.
hadalka gudoomiyaha ayaa imaanya xili dagmada Dhuuso-Mareeb uu ka dhacay dibad baxlooga soo horjeeday xirida iskuulka Daljir oo kamid ah iskuula kuyaala Dagmadasi.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Waresiga Gudomiyaha Dhuuso-mareb
©Radio Dalsan