Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ayaa ku taliyey in madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha ay muhiim tahay inay wada shaqeeyaan mudada afarta sana ah ee soo socota si uusan u imaan khilaaf iyo isqabqabsi.
Xildhibaanka oo la hadlaywarbaahinta waxaa uu sheegay in khilaaf iyo isqabqabsi siyaasadeed uusan waxba soo kordhin sidaasi darteedna loo baahanyahay inay wada shaqeeyaan ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha si loo gaaro halka la hiigsanayo.
Waxaa uu xildhibaan Ibi ugu baaqay madaxda haatan ee dowlada inay ka fogaadaan wax kastaa oo keeni kara khilaaf islamarkaana ay ku dadaalaan sidii dalkan loo gaarsiin lahaa hormar iyo barwaaqo.
Halkaan hoose ka dhageeyso codka.