Xubno uu hor kacayo gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa maanta booqday deegaanka Qalimow ee gobolkaasi kadib markii xalay dagaal culus uu deegaankaas ku dhexmaray Shabaab iyo Ciiddamada dowlada markii fariisin Ciiddamadu ay kulahayen Qalimow ay werar ku qaadeen rag kartirsan Shabaab.
Wararka Dalsan ay ka heshay dagaalkaas ee qasaaraha ku saabsan aya asheegaya dhimashada 5 ruux oo ay ku jiraan dhinacayadii dagalamay iyo dad shacab ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay Dagaalka ka dhacay degaanka Qalimow ee shabeelaha Dhexe.
Gudoomyaha Shabeelaha dhexe Axmed Meyre ayaa tagay maanta degaanka Qalimow si uu qiimeen ugu sameeyo xaalada degaanka oo ay weerar ku qaadeen xalay Al-shabaab waxaana ilo ku dhow maamulka shabeelaha dhexe ay xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay mid kamid ah Raggii soo qaaday weerarka islamarakaana hada uu ku jiro gacanta Ciiddamada isaga iyo Hubkii uu ku dagaalamayey, waxaana maamulku uu xusay in saacadaha soo aadan ay soo bandhigi doonaan Shaqsigaasi.
Halkaan Hoose Ka Dhegeeyso Wareysi Wariyaha Dalsan .