Qaar ka tirsan Xildhibaanada Hir-shabeelle ayaa ku kala qaybsamay Safarka madaxwetynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku joogo Magaalada Muqdoisho, Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya in uu madaxweynah ka gaabiyay socodsiinta siyaasada maamulkaas.
Halka xildhibaanada qaar ay tilmaamayaa in mucaaradnimo iyo ceeb raadiska madaxdeynaha ay waxba ku hagaagayn balse laga dhoorsugo inta uu madaxweyne Waare ka warbixin doono safarka shaqo ee uu ku joogo Muqdisho.
Sidaan oo kale marka uu madaxweyne ka ahaa maamulkaas Cali Cabdullahi Cosoble ayay xildhibaanada maamulkaas ku eedeeyeen ka gabinta hogaamnta maamulkaas waxa ayna ku biya shubatay in ugu dambeyn xilkii laga Tuuro MD Cali Cabdullahi Cosoble.
Xildhibaan Cabduqaadir Faarax Shuuteele oo Ka Tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa Dalsan Usheegay Is Qab-qabsiga ka dhex jira mudanayaasha baarlamaanka Maamulkaas oo u waramay wariye Maxamed Cabdi Xasan Iidle.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Xildhibaanka.