Madaxweynihii Hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxmuud Faroole oo maanta Shir Jaraa,id ku qabtay mgaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa uu si cara leh kaga hadlay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxa uuna sheegay in taasi dhibaato badan fara badan ay horseedayso waxa uuna ku baaqay in lajoojiyo.
Faroole Waxa uu soo hadal qaaday hadal uu madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas xalay uu jeediyay kaas oo uu kaga hadlayay Dagaalka ka qarxay Tukaraq waxa uuna Dr Gaas Tilmaamay In Somaliland ay taageero siinayso Daacishta ku dhuumaaleesanaysa gobolada Puntland Faroole ayaana Hadalkaas ku tilmaamay Mid xanaf leh oo colaad ka dhex abuuri kara Puntland Iyo Somaliland.
Isaga oo sii hadlaya Mr Faroole ayaa waxa uu soo hadal qaaday in safarka Madxweynaha JFS uu ku joogo Deeganada Maamulka Puntland waxa uuna xusay in marnaba uusan salka ku hayn Safarka Madaxweynaha dagaalkas udhexeeya Somaliland Iyo Puntland.
Dhanka Kale Waxa uu baaq ujeediyay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi waxa uuna ujeediyay in mustqbalka Laba Maamul ay kawa hadlaan Colaadana la dhamees tiro xalkuna uu ku jiro in lawada hadlo ciidankana lakala qaado.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Senator C/raxmaan Faroole.