Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi  Maxamed ayaa shir jaraa’d oo uu qabtay caawa  gudaha M/Muqdisho waxa uu marka hore Tacsi u diray Qoyskii iyo eheladii Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan oo maanta Askari ka tirsan Ciidamada taraafikada uu ku dilay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Faloorance iyo  Geed Jaceyl.
Dilkaas Mrxuumka ayaa maanta sababay in ay dhacaan dibadbaxyo ay dhigayeen Shacab ka caresnaa dilkaas iyaga oo mudo hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Gudoomiye Thaabit ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba laga aqbali doonin ciidamada noocyadooda  kala duwan in ay Shacabka dhibaateeyaan waxa uuna amray in la soo qabto askarigii  ka dambeeyay dilka Marxuumka oo baxsaday.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.