Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Garowe mudane Xasan Goodir ayaa sheegay in dabkii shalay Galab ka kacay caasumada Soomaaliya uu gaystay Dhimashada 4 Qof sidoo kalana uu dhawac u gaystay dad kale oo shacab ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay 4 qof oo ugu culus dadkii dhawacu soo gaaray in loo qaadayo magaalada Muqdisho ee Casumada Somaaliya isagoo ku macneeyey in khasaaraha dabkaasi uu aad u cuslaa.
Gudoomiye Goodir ayaa tacsi u diray Shacabkii ay dadkoodu ku geeriyooday sidoo kalana kuwa dhawacana Alle uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.
Gudoomiyaha oo Shirjaa,id ku qabtay Garowe ayaa sheegay inay Caasimad oo Gadiid dab damis ah la,aantiin ah ay tahay arin ceeb ah loona baahanyahay inay shacabka Garowe iyo Qurba joogta ay gacan ka gaystaan.
Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa sheegay inaysan jirin Cid isticmaali karta Kaalin Shidaal oo cusub kaasoo soo kordhiya khasaare kale, gudoomiyaha ayaa sheegay inay dad u hayaan dabkaasi ayna sabab u ahayd Kaalinta shidaalka oo u dhawayd meherad Shaah.
Hoos ka dhagayso Codadka Gudoomiyaha Golaha deegaanka Garoowe.