Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa xalay waxaa gaartay diyaaradii siday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradan oo ka degtay Garoon military oo ku yaalla Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa siday dhaawacyada 16 qof, kuwaasi oo xaaladooda Caafimaad dalka wax looga qaban waaye, isla markaana halkaas loo qaaday.
Gaadiidka gurmadka Degdeg ah ee Ambalaas ah ayaa dhaawacyada looga qaaday Garoonka Ankara, waxaana durbo la dhigay Xarumo Caafimaad oo xaaladooda lagu dabiibayo.
Sidoo kale inta ay diyaarada Hawada ku jirtay ayaa waxaa geeriyootay mid kamid ah dhaawacyada, taasi oo lagu magacaabi jiray Aamino Cismaan, iyada oo aad u liidatay xaaladeeda markii laga qaadayay Muqdisho.
Tirada dhimashada qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ayaa gaartay 82 Ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay 149 qof.