Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa olole nadaafadeed iyo jarista geedka loo yaqaano (Cali-Garoobka) ka bilaabay xaafadaha degmda Aw-dheegle,kadib markii halkaas dhawaan ay la wareegeen Ciidanka dowladda.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo masΓ’β¬β’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in dadkaasi ay gurmad deg deg ah ka heleen dowladda Soomaaliya.
Qarax Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Degmada degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 ruux oo olole nadaafadeed ka waday halkaas,waxaana dadkii dhaawacyada soo gaaray loo qaaday Magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadkii shacabka ahaa u fidisay gurmad caafimaad,waxayna diyaarad kaga soo daad guraysay degmada Aw-dheegle,kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Magaalada Muqdisho.