Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ayaa saakay xili hore aroortii weerar ku qaaday hoteelka Village, oo ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari,waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.
Weerarkan waxaa fuliyeyey dagaalamayaal katirsan Shabaab oo gaaraya Seddex islamarkaana hubeeysnaa sida uu sheegay Taliyaha booliska ee qeybta gobolka Bari Puntland waxaana uu  xaqiijyey dhimashada 6-ruux oo ay laba kamid ah ahaayeen ragii soo qaaday weerarka halka labana ay ahayeen ilaalada Hoteelka Labadakalana ay kamid ahaayeen Ciidamadii fulinayey howlgalka looga hortagayey weerarka Shabaab ay ku qaadeen saakay  hotel Village ee magaalda Boosaaso.
Hoteelkan waxaa dagaan gudoomiyihi hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan masuuliyiinkale iyo Hay’addo waxaana xili hore oo saakay ah weerar ku ekeeyey dagaalyahano katirsan Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Boosaaso ee Puntland.
Maamlmihii aanu soo dhaafnay magaalada Boosaaso ee Bari waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka iyadoo uu ugu danbeeyey wararkii lagu qaaday Barkoontarool oo ay ku sugaanaayeen ciidamada maamulka Puntland oo ku taal Boosaaso islamarkaana uu ka dhashay qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Wariye Madax Banaan oo Dalsan Uwaramay.