Ciidamada dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose gaar ahaan deegaano ay ku xooganaayeen Al-shabaab.
Howlgalkan oo ka dhacay deegaanada Baar-saanguuni iyo Kaban oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hose ayaa la shegay in lagu dilay xubno ka rirsan Alshabaab iyada oo la sheegay in tiro kalana ay dhaawacyo soo gaareen.
Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil iyada oo sidoo kalana dowladdu ay shaacisay in ku dhawaceen 8 kale oo ka tirsanaa dagaalamayaashooda.
Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay sida dowladdu ay ku warantay kadib markii ay heleen xog sheegeysa in Alshabaab ay weerar ku soo yihiin saldhigyo ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose kadibna ay dagaal kala hortageen.
Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Dowladda Somalia