Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa shaacisay in Magaalada Muqdisho laga helay qofkii 8-aad ee qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Nin Odey ah oo Soomaali ah laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo degan Muqdisho, isla markaan da’diisu tahay 58-sanno jir.
“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma iman†ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.
Ruuxa laga helay ayaa waxaa la geeyay mid kamid ah Xarumaha Caafimaadka ee loogu tagalay in dadka lagu karantiilo.
Waa qofkii labaad ee ka mid ah dadka Muqdisho ku nool oo laga helo Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana horey u bogsaday hal qof laga helay Cudurka sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.