Charlee Doom oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Kaalmadda Caalamiga ee USAID ayaa hadalkaasi ka sheegay Hadal-jeedin ay dhawaan ku qabatay Maktabadda HardinPublic Library ee magaalladda  Elizabethtownee Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka.
 Waxay intaasi ku dartay su’aalo ay ka keentay xaalladda DFS, Nidaamka Tacliinta iyo Dhaqaalaha ee Somalia.
Charlee Doom oo  ka tirsan Hay’aadda USAID waxay dhawaan soo dhamaysatay Booqasho 2 sanno ah oo ay ku maraysay gudaha Somalia, halkaasi oo ay La-taliye dhanka kordhinta Dhaqaalaha ka ahayd maareynta  Deeq Lacageed dhan 74 million oo Dollar oo ay Hay’adda USAID ugu tala gashay Shaqo Abuurista, Qandaraasyadda Hab-nololeedka, Horumarinta Ganacsiga iyo bixinta Deeqaha Samafalka Aadminimo.
Charlee Doom waxay kaloo sheegtay inuu Qandaraaskaasi ahaa kii ugu horreeyey e ay Dowladda Maraykanka ku maalgeliso Horumarinta  Somalia, inta laga bixin lahaa Kaalmo Samafal.
Dhinaca kale, Charlee Doom oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Kaalmadda Caalamiga ee USAID ayaa waxay sheegtay inay Somalia horumar ka samaysay Shirkadaha Khaaska oo iyagu dadka Soomaalida soo samata bixiyey xilliyadi iay dagaalladdu ka socdeen Somalia oo haatan ah dal ka soo kabanaya Burburkaasi.
“Dhamaadka Ciyaartaasi waa in la abuuraa Dhaqaale, Nidaamyo Siyaasadeed iyo siyaasadda ay dadka Soomaalida ku sii joogi karaan dalkooda hooyo†ayey tiri.
Charlee Doom waxay carrabka ku dhufatay inay DFS ku kharaj gareyso wax ka yar 1% miisaaniyadeeda ee Kaalmadda Dibedda, waxayna xustay inay aragtay xaqiiq ahaan halka Lacagtaasi lagu kharaj gareeyey