Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyada oo doonaysa in ay u tartanto sannadka 2023-da.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya oo dhambaal hambalyo loogu dirayay Danjiraha Soomaaliya ee QM oo loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Codsiga ka mid noqoshada Golaha Ammaanka la gudbiyay.
“Madaxweynaha ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey†ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyadda.
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle†ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii Safiir Abuukar Daahir loo doortay xil muhiim ah.