Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay ka fuliyeen aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka dhacay saacadii lasoo dhaafay lagu dilay 30 dagaalame oo kamid ahaa Shabaabka oo ku sugnaa aagga degmada Galhareeri.
Jeneeralka ayaa sheegay in ciidamadda dowladdu ay dagaal ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo lix irdood oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri, waxaana dagaalku uu ka dhacay Af-goobad oo Shabaabka ku sugnaayeen.
Wuxuu intaas kusii daray Afhayeenka hadalkiisa in Ciidamadda oo feejigan ay fashiliyeen gaari qarax laga soo buuxiyay oo la doonayay inay cutubyada ciidamadda dowladda ee dagaalka ku jira lagu dhibaateeyo, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Federaalka ayaa weli wada diyaar garoow ay ku dooneyso inay ciidamada xoogga dalka kula wareegayaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri ee ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana Dhuusamareeb ku sugan oo wada abaabulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.