Baarlamaanka dalkaasi waxa uu ansixiyey Sharci Cusub oo Jesiirad Shaybaar u ahayd Doofaarka laga dhigo Xarun lagu hayo Muhaajiriinta Dembiyadda gala iyo kuwa diidan in dib loogu celiyo dalkooda hooyo.
Sharcigaasi waxa uu Muhaajiriinta uga digaya in loo gudbin doono Jesiiradda Lindholom ee horey u ahayd Shaybaar lagu baaro cudduradda ku dhaca Doofaarka, haddii ay Dembi ku galaan gudaha dalka Denmark ama ay diidaan in loo masaafuriyo dalkooda Hooyo.
Isbedelka Sharciga Cusub ee Qaxootiga ee dalkaasi waxaa muddo dheer u ololeynayey Xisbiga Dadka Danishka ee (DF), waxayna soo dhaweeyeen Sharciga Cusub ee fasaxaya in Muhaajiriinta dembiyadda gala iyo kuwa diidan in dalkooda lagu celiyo lagu hayo Jesiiradda Lindholom oo horey u ahayd Saldhig Cilmi-baarista cudduradda ku dhaca Doofaarka.
Wasiirka Maaliyadda ee dalka Denmark, Kiristiaan Jensen waxay faahfaahin dheeraad ah ka bixisay in Jesiiradaasi loo isticmaalo Guriyeynta dadka la masaafurinayo, waxayna xustay inay jiraan xadidaada badan oo lagula socon karo Muhajairiinta loo gudbiyo Jesiiradda Lindholom.
Sharciga Cusub ee ay Mudanayaasha Barlamaanka Denmark ansixiyeen waxa uu meesha ka saari doonaa inay Muhaajiriin cusub si fudud isaga dhiibaan dalkaasi, taasi oo la micno ah inay Dowladda Denmark adkeysay Sharciga Magangelyo-doonka ee dalkaasi .
Bishii December ee sannadkii hore, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ee dalka Denmark, Inger Støjberg waxay la hadashay Mujtamaca Soomaalida ee ku nool dalkaasi, iyadoo sheegtay inay dib ugu laabtaan dalkodoa hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska dalka ay asal ahaan ka yimaadeen.