Dowladda Denmark waxay ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi. Inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Hoggaamiyaha Denmark, Laris Lokke Ramussenm waxa uu ammaanay Xaalladda Somalia, kadib, markii uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen Shirkii Carabta iyo EU-da ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar
Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Farmaajo sheegay inay faa’ido fiican noqon lahayd, isla markaana uu taageerayo inay dadka Soomaalida dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo, si ay uga qeyb galaan Dib-u-dhiska dalka Hooyo.
Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Laris Lokke Ramussenm waxa kale oo uu sheegay inay Somalia la leeyihiin iskaashi wanaagsan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladiisa khasab ku celin doonto Soomaalida aan sharciga lahayn, haddii laga maarmi waayo arrintaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul-wasaaraha Denmark waxa uu tilmaamay inuu jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya DFS iyo Denmark.
Mar sii horreysay, Dowladda Federalka waxay ku gacan sayrtay Aragtida ku aadan in dadka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia.
Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda hooyo.
Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa.