Madaxweynaha Mamaul Goboleedka Puntland Siciid cabdullaahi deni ayaa xalay kulan kula qaatay Magaalada muqdisho Xldhibaanada Puntland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirada ka tirsan Xukumadda xilgaarsiinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Inta kulanku uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya arrimaha siyaasadeed ee ka taagan, waxaana inta kulanku socday si hoose la isaga xog wareystay doorashooyinka iyo arrimo kale.
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo kulan kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyabaha kulanka looga hadlay.
Waxaana uu sheegay in waxyaabaha laga hadlay kulanka ay haayeen kuwo dhamamantood ku qotamo xaaladda siyaasadeed ee taagaan iyo Qaabka maamulka Puntland ay uga qayb qaadan lahayd doorashada soo aaddan iyo nooca doorasho ee ugu wanaagsan, waxaa sidoo kale uu sheegay in la iska waraystay Mowqifka Puntland ay ka taagan tahay Doorashada soo socota.
Sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlay aya waxaa ka mid ahaa dar-dar galinta iyo horumarinta Nidaamka Dumoqoraadiyadeed ee Puntland iyo sidii loo hormarin lahaa Puntland.
Dib u habeynta Ciidanka Puntland iyo horumarinta Nidaaamka Maaliyadeed ee Maamul goboleedka Puntland ayuu sheegay Afhayeenka madaxtooyada in lagu faaqiday Kulanka Xalay dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Xldhibaanada iyo Wasiirada  Puntland ku matala Baarlamaanka labada Aqal Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu muqdisho kasoo dagay waxaa uu wada kulamo joogta ah oo uu la yeeshay siyaasiyiinta iyo sidoo kale madaxda ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana horay uu ula kulamy Madaxda Mucaaradka,Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare iyo xubno kale.