Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu halkaas weli ka wadaa kulamo kala duwan uu la qaadayo Siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan labada Aqalka ee Baarlamaanka dalka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa xalay waxaa uu Nairobi kulan kula qaatay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan.
Kulanka u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland iyo Mohamed Ali Guyo ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadl qaaday mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, wuxuuna Saciid Deni ka dalbaday IGAD inay sii wado howlaha shaqo ay ka fulineyso deegaanada Puntland.
Si kastaba Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoona halkaas kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo xubno kale.