Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Cali C/llahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maant kormeer ku tegay Dekedda Dabiiciga ee Ceel-macaan iyo Garoonka Diyaaradaha ee Cisaley ee Gobalka Sh/dhexe,
Mas’uuliyiinta waxay u kuur-galeen Xaalldda Garoonka iyo Dekedda, waxayna warbixino ka dhegeysteen Khaburo aqoon dheer u leh Hawlaha Garoomadda Diyaaradha iyo Dekeddaha, kuwaasi oo sheegay inay muhiim tahay in dib loo hawlgeliyo Labadaasi goobood oo muhiim u ah Dhaqaalaha Maamulka HirShabelle.
Qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta HirShabelle oo la hadlay Radio Dalsan ayaa rajo wanaagsan ka bixiyey Dib-u-hawl-gelinta Garoonka Cisaley, oo ay ka soo degi doonaan Diyaaradaha Hay’adaha Samafalka iyo kuwa Qaadka ka keena Kenya.
Mas’uuliyiinta waxay kaloo xuseen haddii dib loo hawlgeliyo Garoonka Cisaley iyo Dekedda Ceel-macaan inay shaqo ka heli doonaan Dhallinyarada, Xoogsatada iyo dadka Deegaanka, kuwaasi oo  ay shaqo la’aanta soo food saartay tan iyo markii la xiray Goobahaasi bilowgii sannadkii 2013-kii..
Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan inay Maamulka HirShabelle ilo dhaqaale ka dhigi karaan haddii ay sida ugu dhaqsaha badan loo hawl-geliyo Dekedda Ceel-macaan iyo Garoonka Cisaley.
©Radio Dalsan
Â