Hay’adda Sirdoonka ee dalka Yukrayn waxay maanta sheegtay  inay gacanta ku dhigeen Markabkaasi oo ku lug lahaa iska horimaad sannadkii hore ka dhacay Gacanka Kerch, oo ay Raashiya ku qabsatay 3 Markab oo ay Yukrayn leedahay.
Hadalka maanta ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Yukrayn waxay ku sheegeen inay gacanta ku dhigeen Markab nooca Booyadlaha oo Raashiya leedahay, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Izmail ee ku taalla Yukrayn.
Waxay sheegeen in Markabka horey loo oran jirey The Neyma, balse, haatan loo bixiyey magaca Nika Spirit, iyagoo ku eedeeyey inuu ku lug lahaa falkii ay Raashiya ku qabsatay Badmaaxiin u dhalatay Yukrayn iyo saddexdii Markab ee ay wateen.
Shaqaalihii la socday Maraakiibtaasi waxay weli ku xiran yihiin Raashiya, kadib, markii la qabtay bishii November ee sannadkii hore, wuxuuna iska horimaadkaasi ka dhacay Badda kala qeybisa Raashiya iyo Gobalka Keremiya.
Dhinaca kale, Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Raashiya oo lagu magacaabo Valadamir Dzhabarov waxa uu sheegay inuu falkaasi yahay mid sharci-darro ah, sida ay ka soo xigatay Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA.