Madaxweyne Farmaajo ayaa Waaberigii hore ee saakayto waxa uu xilka Ra’isul-wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Khayre oo ah Qurbo-jooge haysta dhalashadda dalka Norway.
Guddoomiyaha BFS, Prof. Jawaari ayaa goobjoog ka ahaa goobta uu Madaxweynuhu ku magacaabay Ra’isul-wasaaraha.
Ra’isul-wasaaraha cusub waxaa uu horey Madax uga ahaa Golaha Qaxootiga Norway ee Norwegian Refugee Council (N.R.C), waxa kale oo uu ahaa Wakiilka Shirkadda Shidaalka ee Som Oil and Gas ee Bariga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul-wasaaraha cusub ayaa ah nin Dhallinyaro ah oo aan Carbis Siyaasadeed lahayn, inkastoo uu muddo ku soo dhex  jiray Hawlaha Samafalka Aadminimo.
Ra’isul-wasaaraha cusub waxa uu dhashay sannadkii 1968-kii.
Waxaan xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus. Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo
©Radio Dalsan