Nin ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo lagu magacaabi jirey Kim Jong Nam ayaa lagu dilay Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur.
Wakaalladda Wararka ee Yonhap iyo Warbaahinnadda kale ee dalka Koonfurta Kuurya ayaa maanta baahiyey Warkaasi, iyagoo ka soo xigtay ilo aan la carabaabin.
Ilo ku dhow Dowladda Koonfurta Kuurya ayaa sheegay in Kim Jong Nam shalay subax lagu dilay dalka Malaysia, balse, faahfaahin dheeraad ah lama bixinin.
Telefishinka Chosun ayaa shaaciyey in Kim Jong Nam lagu sumeeyey Garoonka Diyaaradaha ee Kula Lampur, waxaana la rumeysan yahay in 2 haween oo u dhashay Waqooyiga Kuurya ka dambeeyeen arrintaasi, kuwaasi oo baxsaday.
Dhinaca kale, Boliska dalka Malaysia ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in Nin u dhashay Waqooyiga Kuurya oo aan la aqoonsanin uu geeriyooday inta loo sii waday Isbitaalka, isago olaga keenay Garoonka Diyaaradaha ee Kula Lampur.
Boliska weli ma caddaynin magaca Ninka geeriyooday.
Dhinaca kale, Kim Jon Nam-ka la dilay iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya ee Kim Jong Un labadaba waa Wiilashii Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Kim Jong Il, kaasi oo geeriyooday dabayaaqadii sannadkii 2011-kii, balse waa kala hooyo.
©Radio Dalsan