Waxaa Caawa Xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalladda Nairobi lagu dhaawacay mid ka mid ah Ilaaladda Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Mudane aqlabiyad ku dhex leh Barlamaanka Kenya.
Kooxo Burcad ah ayaa la sheegay inay Abaarihii lixdii maqribnimo ee caawa  jidka u galeen, isla markaana dhaawaceen Ilaaliyahaas oo lagu magacaabo Cabdi Maalim.
Dableyda ayaa la sheegay inay Ilaaliyaha ka toogteen lugta, kana qaateen Bistoolad uu watay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Dableyda u baxsadeen  Kiwanja oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Milliteriga ee Moi Air Base ee Xaafadda Eastleigh.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa xaqiijiyey in la dhaawacay mid ka mid ah Ilaaladiisa, wuxuuna xusay inay xaaalladiisa deggan tahay, oo aysan khatar ku jirin Noloshiisa.
Dhinaca kale, Taliyaha Boiliska Nairobi, Japheth Koome ayaa sheegay inuu bilowday hawlgal lagu baadi-goobayo dableydii geysatay toogashaddaasi, oo ku soo beegantay, iyadoo Shirweyne ay QM soo agaasintay ka socdo magaalladda Nairobi.
©Radio Dalsan
Â