Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Ergaddii Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu dib ugu biiray Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somaalia, kaasi ee ka socda caasimadda dalka Belgium ee Brussels.
Qoraal uu Wasiir Aw Xersi soo dhigtay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu laaabtay Shirkaasi, kadib, markii ay DFS iyo Saraakiisha Xafiiska Ururka EU-da u jooga Somalia cuddur-daar ka bixiyeen Jebintii Borotakoolka.
Wasiirka waxa kale oo uu Twitter-kiisa ku qoray in Ajendihii shirkadib loogu  soo celiyey sidii rasmiga ahayd, isla markaana uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka hadlayo Shiirweynaha ka socda
Dhinaca kale, Jubbaland waxay horey u sheegtay in wax laga beddelay Ajendaha Shirka iyo Qoddobadii lagu soo heshiiyey, taasina ay sababtay inay Ergadda Jubbaland ka baxaan Madasha Shirkaasi, inkastoo lagu guuleystay in laga qanciyo, kuna soo biiraan Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalin ah.