Madaxweyne Donald Trump waxa uu goor dhow Bartiisa Twitter-ka soo dhigay in lagu guuleystay in la sii daayo 3 nin oo Maraykan ah, kuwaasi oo ku xirnaa dalka Waqooyiga Kuurya.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa la sheegay inuu Kulan Wanaagsan la yeeshay Hoggaamiyaha da’da yar ee Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un, isla markaana la sii daayey 3-da nin ee Maraykanka ah.
Xoghaye Pompeo iyo ragga la sii daayey ayaa la sheegay inay u soo ambabaxeen dalka Maraykanka.
Madaxweyne Trump waxa kale oo uu Twitter-kiisa ku qoray inay raggaasi u muuqdeen kuwo caafimaad qaba, oo ay haatan hawada ku soo jiraan.
Tweet kale ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay inay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo 3-dii La-hayste ka so odegi doonaan Saldhigga Diyaaradaha ee Andrews Air Force Base abaaraha 2-da habeenimo ee Khamiista.
Waxa uu Trump sii raaciyey:= “Waxaan xaadir ku noqon doonaa halkaasi, si aan iyaga u soo  dhaweeyo. Aad bay u xiiso badan tahayâ€..