Kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa goordhow isgoyska Ceelgaabata degmada Xamarweyne ee gobalak Banaadir ku weeraray Sargal ka tirsan Nabadsugida Somaliya.
General Xasan Dheere oo ka tirsan ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay werarka oo la aaminsanyahay in bartilmaameedku uu ahaa.
Sidoo kalana waxa dhintay sida la sheegay Askari goobta ku sugnaa hase,ahaatee lama xaqiijin in askariga dhintay uu ka mid ahaa ilaalada Xasan Dheere oo ka tirsana Hey,adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka.