Wargeyska inta badan ka faallooda Arrimaha Dhaqaalaha ee Al-eqtisadiya, kana soo baxa dalka Sacuudiga ayaa maanta qoray in Is-fahamka Guud ee Heshiiska ay Sacuudiga ku qoranayso 10-kun oo Muwaadiniin Somali oo ka shqeysta Sacuudiga ayaa dhamaaday, sida laga soo xigtay Ilo Diplomaasi oo Somali ah.
Ilo-wareedkaasi oo ka codsaday Wargeyska Al-eqtisadiya inaan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay inuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Dowladda Somalia dhawaan booqasho degdeg ah ku tegi doono Sacuudiga si uu u soo dhamaystiro Wejiga Koowaad ee Heshiiska ay Sacuudiga ku qoranayaan in ka badan 10-kun oo Shaqaale Soomaali ah.
Wada-xaajoodka Wasaaradaha Shaqada ee Labada Waddan ee Somalia iyo Sacuudiga ayaa socday muddo bilooyin ah, si loo soo dhamaystiro Heshiisyadda oo damaanad-qaadayo Xuquuqda Labada Dhinac ee ku saabsan Shaqo-qorista.
Ilo-wareedka Diplomaasiyiinta Soomaalida ee la hadlay Wargeyska Al-eqtisadiya  ayaa sheegay inay Safaaradda Somalia ku leedahay Sacuudiga  dhowr Cods ka heleen Hay’addo Sacuudi oo Shaqaale-doon ah, kuwaasi oo doonaya inay qortaan Shaqaale Soamaali oo meelo badan Takhasus iyo Khibrad u leh.
Waxa uu intaasi ku daray in Qorista Shaqaalaha Soomaalida inay dhex mari karaa oo keliya Wakaaladaha iyo Shirkadaha Labada Waddan, sida uu dhigayo Shuruudaha ku xusan Heshiiska ay Labada Dowladood wada saxiixdeen.
Dad Somali ah oo ka shaqeysta gudaha Sacuudiga ayaa waxaa qortay Hay’addo  Shaqaale oo aan Sharci Rasmi lahayn, taasi oo inta badan keenta in Shaqaalaha Soomaalida lagu xad-gudbo Xuquuqdooda iyo Sharaftooda.
Bihii October ee sannadkii 2015-kii, Wasaaradda Shaqada ee Sacuudiga waxay albaabadda u furtay inay shaqaale ka soo qortaan Somalia, dhowr bilood kadib, markii ay Sacuudiga u oggolaadeen Dadka ka imaanayo Jabuuti inay ka shaqeysan karaan gudaha Sacuudiga.
Bishii April ee sannadkii 2016-kii, Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Somalia, Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wejiga Koowaad ee diiwaan-gelinta Liiska Soomaalida shaqo u aadi doona Sacuudiga inay ka koobnaan doonaan 2,000 o oqof oo badankooda ah Shaqaalaha Guryaha ka shaqeeya ee Adeegtooyinka iyo Dareewalka, kuwaasi oo taageero ka helayo Hay’addaha u xil saaran Qorista Shaqaalaha.
Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa sheegay inay dowladda ka walaaci doonto suurto-galnimadda Tacadiyadda loo geysto Shaqaalaha iyo in loo baahan yahay in la hubiyo sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdooda.
Si kastaba ha ahaatee, Shuruudaha Wasaaradda Shaqada ee Sacuudigaka doonayso  Shaqaalaha Soomaalida ee la qoranayo ayaa ka mid ah Warqaddaha Caddeynta Dembi La’aanta iyo Tallaalka Cudduradda Faafa.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
Xigasho: Al-eqtisadiya
©Radio Dalsan