Wararka nagasoo gaaraya Xaafadda Suuq-boocle oo ka mid ah xaafadaha degmada Dharkenleey ee Muqdisho ayaa sheegaya in salaaddii Maqrib ka dib kooxo hubaysan ay halkaa ku dileen Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee soomaaliya Xasan Cali Nuur shuute.
Kooxo hubaysan oo la sheegay inay ka koobnaayee sadax ruux Bastooladana wata ayaa naloo xaqiijiyey in marxuumka ay toogteen xilli uu kasoo baxay Masjid uu ku Tukaday Salaadda Maqrib.
Mid Ka Mid ah dadka deegaanka oo goordhaw la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in dilka goobta uu ka dhacay ay gaareen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.
Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa lagusoo waramayaa in gabi ahaanba ay xireen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaa oo sida la sheegay baadi gobaya kooxihii falkan geystay.
Maamulka degmada Dharkinleey oo aan la xariirnay nooma suura-galin inaan arintan kala hadalno.
Sidoo Kale Idaacadda Dalsan ayaa xiriir la wadda Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Cor.Xasan Cali Nuur Shuute si aan wax uga ogaanno dilka Aabihii Caawa loogu geystay Magaalada Muqdisho.
Wixii Dheeraad ah ee kasoo Kordha Dib Kala Soco Insha Allaah.