Wararka aan ka heleyno Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle iyo waliba degmada Balcad ee isla Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Golaha Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle ay Maanta yeelanayaan kulamo Gooni gooni ah.
Kulanka koowaad ayaa waxa uu ka dhici doonaa degmada Balcad kaas oo la filayo in uu furo Madaxweyne Cali Cabdullaahi(Cosoble) halka kaas mid la mid ahna uu ka dhici doono Magaalada Jowhar.
Weli lama oga sababaha ugu weyn ee kalifay in Wasiiradu ay kala shiraan iyo ajandooyinka ay ka hadli donaan balse waxaa xusid mudan ee horay Madaxweyne Cosoble,uu u sheegay in Balcad ay martigelin doonto shir Maamul loogu sameynayo Gobolka Banaadir.
Wixii ku soo kordha shirarkaas kala socda radiodalsan.com