Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa hada waxa ay kulan deg deg ah ku leeyihiin  Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho,iyaga oo warbixino ka dhageysanaya guddiga joogtada ee golaha Shacabka Soomaaliya.
Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa ay uga hadlayaan mooshiinkii Maalin ka hor laga keenay gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanada shirsan oo weli aan lasoo gudbin tiradooda ayaa u muuqda kuwa taagersan gudoomiye Jawaari,waxana ka dhex muuqday Xildhibaan Mahad Salaad.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo hadlay ayaa waxa ay sheegeen in uu burburay mooshinkii laga gudbiyay gudoomiye Jawaari,isla markaana 16 ka mid ah Xildhibaanada ay dib uga laabteyn.
Kulanka oo weli ka socda Xarunta Villa Hargeysa ayaa la sugaaya qodobada ay ka soo saaraan,waxaan inta badan mooshinka ay ku eedeynayeen in xukuumadda ay faraha kula jirto.
Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa sheegtay in Madaxweynaha soomaaliya laga doonayo in uu soo farageliyo xiisada ka dhex taagan Golaha Shacabka,isla markaana aysan macquul aheyn in uu arrintaan ka aamusnaado.