War goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in mid ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu weeraray Magaalada Muqdisho.
Sanoter Xuseen Cali Xaaji ayaa Gaarigiisa xiligii la rasaaseynayay ayaa mayayay agagaarka Isbitaalka Masaarida kaas oo ku yaala inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degamda Hodan Gobolka Banaadir.
Gaari yar oo nooca raaxada Soomaalidana u taqaano Spacio ayaa rasaaseeyay gaariga Sanoter Xuseen Cali Xaaji, waxaana dhaawac ka soo gaaray Gabar saarneed Gaariga iyo Darawalka, balse waxaa la sheegay in Xildhibaanku uusan la socon Gaariga.
Kooxdii gaariga yar wadatay ee weerarka geysatay ayaa Goobta isaga baxsatay, waxaana gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya walow aysan ku guuleysan in ay raggaas qabtaan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com