Warar goor dhaw nasoo gaaray ayaa xaqiijinaya in Kooxo hubaysan oo Bastoolado watay ay xaafadda Maana-booliyo ee degmada Shibis ay ku toogteen Xildhibaanad ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ruqiyo Abshir Gabbane.
Dilka ayaa waxaa Dalsan u xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Shibis,waxa uuna ka ka dhacay agagaarka hoyga ay ka daggan tahay Xaafadda Maana-boolyo oo naloo xaqiijiyey inay deegaan ay ku ahayd,waxaana Kooxihii falka dilka ah geystay ay isaga baxsadeen goobta markii ay dilka Fuliyeen.
Ciidamo ka tirsan Kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Goobta waxaana lagu waramayaa in hadda baaritaan ay ka wadaan xaafadda dilku ka dhacay,waloow wali aanan helin macluumaad ku saabsan in wax dad ah ay ciidanku falkan u qabteyn.
Wixii Kasoo Kordha kala socda radiodalsan.com