Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyey doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Cadaado.
Doorashada oo la’isla galay wareegii labaad waxaa ku soo baxay Ex Xildhabaan  Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo helay 54- Cod, halka musharax Axmed Shariif Cali Hilowle uu helay 34- Cod, sidaasina uu ku soo  baxay Xaaf oo helay dhibco ka badan waxa uu keenay  musharaxa kale.
Natiijada waxaa shaaciyey guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo sheegay tirinta codadka labada musharax dhibcaha ay kala heleen, waxaana uu ku dhawaaqay in doorashada uu ku guuleystay  madaxweynaha cusub Axmed Ducaale Geele Xaaf oo hoogaamin doona maamulka Galmudug labada sano ee soosocota.