Wararka ka imaanaya degmada Howl-wdaag ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in goor dhow Bambooyin lagu weeraray fariisin ciidamada ka tirsan dowladda fedraalku ay ku leeyihiin degmada Howlwadaag.
Goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in ay maqleen jug culus isla markaana ay xigtay rasaas,Kooxo hubaysan ayaa la sheegay in ay weeerareen Fariisin ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay ku lahaayeen isgooyska Howlwadaag.
Qof dumar ah yaa la sheegay in ay ku dhaawacantay intii uu socday werarka xaalada goobta ay wax ka dhaceen ayaa hataan kacsan waxaan gaaray saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.