Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulankaas oo la filayay in uu hortago Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan xoosha Jibriil.
Wariyaheena dhinaca Baarlmaanka ayaa waxa ay soo sheegeeysaa in Wasiirku uu ka baaqsaday kulanka Baarlamaanka isaga oo soo gudbiyay Cudur daar ku aadan howlo dhnka caafimaadk ah.
Intaasi kadib xildhibaano agaraya ilaa 29 mudane yaa soo gudbiyay Codsi ku Aadan in dib u eegis lagu sameeyo Xilka wasiirka Dastuurka Soomaaliya,iyaga oo haatan jeedinaya khudbado tiro Xildhibaano ah kuwaas oo dalbnaya in dib u geegis lagu sameeyo.
Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ah mid xasasi ah,iyada oo gabagabada la filankaro in wqti kale lagu balamo in uu Baarlmanka horyimaado,si ay wax uga weeydiiyaan hadal qoraal ah oo uu dhawaan soo dhigay Bartiisa Twitterka,ee uu uga horyimid Go’aankii  Xildhibaanadu ku laaleen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada 8 Kursi oo ka tirsan  Golaha Shacabka.