Allaha u Naxariistee waxaa goordhow dalka Turkiga  ku geeriyootay Wariye Hani Xaaji Maxamed oo ka soo Shaqeysay Idaacad dhowr ah oo ku yaallay Magalada Muqdisho iyo Tv-ga Universal Xaruntiisa Muqdisho.
Wariye Hani ayaa illo xog-ogaal ah waxa ay sheegeen in geerideeda ay ka dambeysay kadib markii Rag Burcad ah ay  dhaawaceen,iyada oo dooneysay in ay ka sii tahriibto dalka turkiga kuna sii jeeday dalka Giriiga.
Wariyaha ayaa billihii u dambeysay waxaa la sheegay In ay la Shaqeyneysay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,sidoo kalena ay joojisay Shaqadii Warbaahineed oo uu ugu dambeeyey Tv-ga Universal Xafiiska Universal ee Muqdisho.