Waxaa gordhweyd Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay mid ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata mootada Seddex lugooleeyda ee Bajaajta loo yaqaanno, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Xaliima Hiite ee Degmada Kaaraan, waxana loo gaystay Wade Mooto Bajaaj oo goobta marayay sida ay kusoo warramayaan goobjoogayaal ku sugan halka wax ka dhaceen.
Wali faah faahin buuxda lagama hayo dadka dilka fuliyay iyo sababta ka dambeysay in la dilo Marxuumka.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.