Wararka laga helayo nawaaxiga madaxtiiyada Soomaliya ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay gordhow lagu weraray xarunta madaxtooyada isla markaana uu ka dhashay khasaare.
Ila 3 hoobiye ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaceen meel aan siadaas uga fogeyn gurigii hore ee ay ku shaqeyn jirtay xukumadii Cumar C/rashiid Cali Shama,arke.
Goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in khasaare uu ka dhashay hoobiyaasha lagu garaacaay madaxtooyada waxaana dadka aan la hadnay ay shegayaan in ay jirto dhimasho.
Waxa markiiba goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg-dega ee Ambalaasta oo goobta ka qaaday dad ay waxyeelo ka soo gartay hoobiyaasha
Lasoco faah-faahinta ku soo korodha wararkaana Radiodalsan.com