Goordhow ayaa waxaa tiro Hoobiyayaal ah ay ku dhaceyn Isgoyska Baar Ayaan oo kala qeybiya degmooyinka Wartanabada iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Madaafiicdaan oo jugtooda inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay gaarayeen ilaa lix madfac.
Goobjoogayaal ayaa  sheegay in ay ku dhaceyn Goobo maqaaxiyo ah oo ay ku sugnaayeen dad Shacab ah,halka qaar ka mid ah hoobiyayaashaas ay ku dhaceyn Xarun ay Ciidamo Nabadsugida soomaaliya halkaasi ku leeyihiin.
Khasaaro ayaa la sheegayaa in ay geysteen hoobiyayaashaas taas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn,waxaana Ciidamo halkaasi ku sugan ay ridayaan rasaas iyaga oo diidaya in loo dhawaado.
Faah faahinta Warkan kala socda Radiodalsan.com