Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Kaniisad la sheegay in laga furay gudaha Magaalada Hargeysa taas oo ay cadeysay Haweeney heysata Diinka Kirishtanka oo ka Shaqeysa Isbiatal ku yaala Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Warkaas intiisa badan ay ku arkeen Baraha ay bulsahda isticmaasho islamarkaana ay baari doonaan dhawaana ay War-Saxaafadeed ka soo saari doonan.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xili Shacabka iyo Culuma’udiinka Magaalada Hargeysa ay aad uga walaacsan yihiin arinta ku aadan furtaanka kaniisada Magaalada Hargeysa.