Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxa ay goordhow tageen xabsi ku yaala Agagaarka dekadda weyn ee Magaalada muqdisho halkaas oo ay ku sugan yihiin Maxaabiistii xalay soo gaaray Muqdisho ee ka yimid dalka itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnaha la socda ayaa kulan la leh Maxaabiista,iyaga oo kala hadlaya arimo dhowr ah,waxana la filayaa in kulanka kadib la faah fahiyo waxyaabihii ka soo baxay kulankooda.
Ehelada Maxaabiistaan Soomaliyeed ayaa la qorsheeynayaa in ay dhawaan fursad loo siiyo si ay u kulmaan maadaama ay wax badan badankood is arkin.
Wixii kulankaas ka soo baxa kala socda radiodalsan.com